الخميس، 24 نوفمبر 2011

TUULADA HOOBISHOOLE IYO NOLOSHA DADKA DEGAN

tuulada hoobishooole waxey ka tirsan tahay tuulooyinka hoostaga gobalka baay   tuulada waxey ujirtaa magaalada baydhabo 28kiilo miitir  waxaana laga xukumaa tuulada martaa jidka isku xiraa  gobolka baay iyo gobolada gedo iyo jubooyinka qaar ee goorisane  dadka degan tuulada hoobishoole waa dad xoolo dhaqato iyo beeraleey ah  tuulada waxaa ay leedahay dhulbeereed aad uweyn oo lagu beerto dalaqyada kala duwan sida misgada galeyda digirta looska sinsinta iyo waxyaabo badan  tuulada hoobishoole waxaa kaloo ay leedahay waro sida warta weyn ee lagu magacaabo buuurfuule iyo warooyin yeryer sida waraha gediislooy danooley shiidooley  mirooyaal iska wax uqabso  tuulada hoobishoole waxaa dega qabiilo aan sidaas ubadneyn sida qabiil sheekhaal iyo qabiilka xariin qabiilka hadame iyo qabiilka waanjeel  tuulada dadka degan waa dad aad ujecel nabada sidaas daraadeeda waxaa ay iskula nooliyhiin nabad iyo walaaltinimo  dadka tuulada hada ku nool waxaa ay ubadan yihiin  dad da,ah waayo dhalintii tuulada waxaa ay aadeen dibadaha si,ay uhelaan nolol ka wanaagsan tii ay ku noolaayeen ///////// qore axmed  mukhtaar aadan /http://www.somaliwalalo.com****** somaliwalalo@hotmail.com

هناك تعليق واحد:

غير معرف يقول...

hoobishoole waa tuulo caan ah oo ku taala meel aad uga wanaagsan xoolaha iyo beeraha waxaana dega muslimiin badan oo aad uwanaagsan