الجمعة، 27 يوليو 2012

SHIRKII KOOXDA MAHIIGA OO MAANTA DIB UDHACEY SABABTA MAXEY TAHAY

sida aan warar lagu kalsoon yahay kaga heleyno mogadisho ayaa waxaa lagu sheegeyaa inuu maanta mar kale dib udhacey waxaa looga yeero shirka ansaxinta distuurka soomaaliya  wararka ayaa sheegeyaa in maanta kooxda shirka lagu weerarey gantaalo taasoo sababtey inuu istaago shirka  kooxda shirka ayaa kakala cararey goobta shirka  ka dib markii lala beegsadey dhoor madfac iyo qaraxyo ka dhacey  banaanka goobta shirka lagu qabaneyo shirkan ayaa waxaa hogaamineyaa mr mahiga oo ah madax dawlada villa soomaaliya asagoo gacanta ku haaya dhamaan go,aamada  gudiga distuurka asagoo sheegey in la ansaxin doono shirka ha yeelaan odeyaasha ama ha diidaan  hadaba dadka soomaaliyed waxaa la gudboon in ay ka soo horjeestaan waxaa looga yeero distuurka kaas oo mugdi gelineyaa jiritaanka dal iyo dad soomaaliyeed  sida ku cad qodobo distuurka ka mid hadii la qabsado dhul soomaaliyeed waxaa loomareyaa soo cilintiisa wada hadal  marka  distuurka waxaa uu ogalaaneyaa dalka soomaaliyeed inuu galo gumeysi cusub